Wargeyska Financial Times: Al-Shabaab waxay maamushaa 40% Soomaaliya + KARIIDAD.

Tuesday September 29, 2026 - 10:24:02
MeMO Staff
Saraakiil iyo khubaro Mareykan ah ayaa afka furtay kana qaylo-dhaamiyey awoodda sii kordhaysa ee Al-Shabaab, sida uu maanta oo Talaada ah ku warramay wargeyska caalamiga ah ee Financial Times oo fadhigiisu yahay caasimadda Igiriiska ee London.
Afhayeen u hadlay Taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM, oo wargeysku uu soo xigtay ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay in dhawaan jihaadiyiintu isku fidiyaan gobolka oo dhan isla markaana saamayn xooggan ku yeeshaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Saraakiisha amniga ee maamulka garwadeenka uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu sidoo kale wargeysku sheegay, in iyaguna ay sidoo kale walbahaar xooggan ka qabaan koboca awoodeed ee jihaadiyiinta Al-Shabaab.

Financial Times waxa uu soo bandhigay khariidad uu ku muujinayo dhulka baaxadda leh ee ay gacanta ku hayso Al-Shabaab, isagoo sheegay in jihaadiyiintu ay ku dhaqanka Shareecada Islaamka ka hir-geliyeen qiyaastii 40 boqolkiiba dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo wargeysku muujiyey magaalooyinka aadka u kooban ee kooxda Gurguurte ay ku go’doonsan tahay, isagoo dhanka kalena ka sanqariyey in maamulka Muqdisho uu yahay mid aad u jilicsan oo cago buuran aan ku taagnayn, iskana difaaci karin weerarrada jihaadiyiinta.

Walaacan ay beesha caalamku muujinayso ayaa kusoo aadaya xilli uu fashilmay burbur-na qarka u saaran yahay duullaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday Soomaaliya, kadib markii duruufo amni iyo kuwo dhaqaale oo aad u daran ay hareeyeen ciidamada Afrikaanta.

Related Items

Update cookies preferences